Britan iyo Iran oo isu soo dhawaaday

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxwaynaha Iran

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, William Hague, ayaa sheegay in Britain ay doonayso inay dib u furato safaaradeedii caasimadda Iran ee Tehran.

Hague, waxaa uu sheegay in xaaladaha hadda jira ay ku haboon tahay in si dhakhso ah dib loogu furo safaaradaasi.

Arrintan waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa in Britain oo Mareykanku uu weheliyo in ay doonayaan in Iiraan ay ka caawiso sidii looga hortagi lahaa malayshiyaadka Suniyiinta ee Ciraaq.

Britain waxaa ay si buuxdo u joojisay calaaqaadkii diblamaasiyadeed ee ay la laheyd Iiraan mudo haatan saddex sano laga joogo.