Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaalada Mpeketone weerarkii kaddib

Weerarka deegaanka Mpeketone ee xeebta waddanka Kenya ayaa ah weerarkii labaad ee ugu dhimashada badnaa, tan iyo weerarkii Sebtembartii la soo dhaafay lagu qaaday goobta laga dukaamaysto ee Westgate.

Kooxda Soomaaliya ka dagaalanta ee al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka ay ugu yaraan ku dhinteen 48 qof.

Waxaa deegaanka ay ka dhaceen haatan jooga weriyahayaga Xasan Cali Geelle oo warbixintan inooga soo diray.