Dad koobka adduunka daawanayay oo la qarxiyay

Qarax bam ayaa waxa uu ka dhacay goob lagu daawanayay ciyaar ka tirsan koobka adduunka waqooyi bari ee dalka Nigeria.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof ismiidaamiyay oo watay mooto saddex lugood ah uu isku qarxiyay deegaanka Damaturu ee gobolka Yobe.

Ciidammada ammaanka ayaa goobta la geeyey weerarka marka uu dhacay kaddib.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegaya in dhowr qof ay halkaa ku dhinteen, sidoo kalana gawaari ay ka buuxaan dhaawacyana loo qaaday isbitaalka.

Maamulka gobolkaasi ayaa horay uga digay in lagu caweeyo baararka iyo goobaha furan ee kubadda lagu daawado.

Boko Xaraam ayaa weeraro sidan oo kale ah horay ugu qaaday goobaha ay dadka fariistaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan