Qarax ka dhacay isbitaalka Kaysaney ee Muqdisho

Qarax Muqdisho
Image caption Waxaa sii kordhaya qaraxyada ka dhacaya Muqdisho

Hal kalkaaliye caafimaad ayaa ku dhintay takhtarna waaa uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay qaybta gawaarida la dhigto ee isbitaalka Keysaney ee Muqdisho.

Lix qof oo kale oo la joogay bukaan ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo loo malaynayo inuu ka dhashay bam lagu xirey gaari uu lahaa dhakhtarka dhaawacmay.

Kaaliyaha caafimaad ee qaraxa ku dhintey ayaa la oran jirey Dr Mahad Cabdi Xaafid iyadoo kan dhaawacmeyna la yiraahdo Dr Cabdiqaadir Xuseen Jimcaale (Xoogga) waxana labaduba ay ka hawlgali jireen isbitaalka Keysaney.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa ka dhacay isbitaalka Keysaney, waxana uu noqonayaa qaraxii ugu horreeyay oo ka dhaca gudaha isbitaal laguna bartilmaameed sado dhakhaatiir.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan