Ciraaq oo codsi u dirsatay Mareykanka

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxda Ciraaq ayaa sheegay in beesha caalamka ay meel cidla ah ugu tegeen kaddib markii ay soo weerareen dablay jihaad doon ah oo Sunniyiin ah.

Afhayeen u hadlay Ra'iisalwasaare Nuri Al-Maliki ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maraykanka, Europe iyo Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay caawiyaan.

Dowladda Ciraaq ayaa gooni ahaan Mareykanka uga codsatay inuu ka kaalmeeyo dhanka cirka dagaalka ay kula jirto kooxda ISIS.

Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Mareykanka, oo lagu magacaabo General Martin Dempsey, ayaa xaqiijiyay codsigan ay Ciraaq soo gudbisay, balse sarkaalku muusan sheegin in Mareykanka uu aqbalay codsiga laga dalbaday iyo in kale.

Madaxweyne Barack Obama ayaa weli eegaya codsiga.

Obama waxa uu ka fakarayaa fursadaha milateri ee u banaan, waxa uuna la kulmayaa madaxda Congress-ka iyo golaha amniga qaranka.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka, Jay Carney, ayaa sheegay in aanay haatan jirin ciidan Ameerikaan ah oo la geyn doono dhulka Ciraaq.

Waxuuna intaasi raaciyay in Maraykanku uu eegayo danihiisa ammaanka qaranka ka hor inta aanu tallaabo qaadin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan