Rwanda iyo Koongo oo eedo isdhaafsaday

Caddayn ayaa ka soo baxaysa dagaal dhawaantan ku dhexmaray ciidammada Rwanda iyo kuwa Koongo xuduuda u dhaxeysa labada dal, waxaana suuragal ah in ciidammada Rwanda ay gudaha dalkooda ku toogteen maxaabiis milateri oo u dhalatay waddanka Koongo.

Sheegashadaasi ayaa waxaa sameeyay dhakhtar ka tirsan milateriga Koongo oo baaritaan ku sameeyay meydadka 5 askari oo u dhashay waddanka Koongo.

Rwanda waxa ay leedahay ragga waxaa la dilay inta uu socday dagaalka.

Todobaad ka hor ciidammada Koongo iyo kuwa Rwanda ayaa ku dagaalamay xuduudda u dhaxeysa labada dal.

Dhinacba dhinaca kale ayaa waxa uu ku eedeeyay in uu ka soo tallaabay xuduudda oo uu marka hore weerarka geystay.

Iskudhacyada kaddib, Rwanda ayaa ku dhawaaqday in ciidammadeeda ay dileen 5 askari intii uu socday dagaal ka dhacay dhulkeeda.

Hasayeeshee BBCda ayaa waxaa u suurtagashay in ay aragto meydadka kaddib markii dowladda Rwanda ay dib ugu soo celisay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Afar ka mid ah ayaa dhaawacyo ku lahaa madaxa, midna waa la marjiyay.

Dr Castro Kasole, oo ah dhakhtarka ku baaray meydadka goobta lagu keydiyo meydadka ee isbitaalka milateriga ee Goma, ee bariga dalka, ayaa sheegay in dhammaan dhaawacyada ay macquul tahay inay soo gaareen intii uu socday dagaalka, raggana markaa la qabtay kaddibna la toogtay.

Ma ay cadda sababta ay ciidammada Rwanda ay u qabteen misana u dileen maxaabiista iyagoo awooday in ay ku dilaan goobta dagaalka.

Rwanda, ayaa ku eedaynayso ciidammada Koongo in ay isfahan hoose la leeyihiin jabhadda FDLR, oo ah fallaago ka soo jeeda qowmiyadda Hutu-ga, kuwaasi oo muddo 20 sano ah isku dayayay inay maamulka ka tuuraan dowladda Kigali.

Waxa ayna Rwanda leedahay hal nin oo ka tirsan fallaagada ayaa ku jiray ragga ay dileen.

FDLR, ayaa dhawaantan waxa ay bilaabeen inay soo wareejiyaan hubkooda iyo ciidankooda, dowladda Koongana waxa ay dowladda Rwanda ku eedaysay in ay isku dayayso in ay joojiso hub ka dhigista kooxdaasi, iyadoo sii hurinaysa rabshadaha ka dhaca xuduudda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan