Iran oo ka digtay dagaalka Ciraaq

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Khamenei.

Hogaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo in Maraykan ama waddan kale uu faragalin ku sameeyo Ciraaq.

Warfaafinta dowladda ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in dowladda Ciraaq iyo hogaamiyayaasha diinta ay joojin karaan dagaalka.

Dhinaca kale, madaxwaynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa dhaleeceeyay dalalka khaliijka ee shidaalka leh. Wuxuu sheegay inay lacagtooda u isticmaalayaan inay ku maalgaliyaan kooxaha suniyiinta ee ka dagaalamaya Ciraaq.

Mr Ruuxaani, ayaa sheegay in siyaasadooda ay maalin ay iyaga ku soo noqon doonto xumaanteeda, sababtoo ah mintidiinta ayaa iyaga weerari doona.