Dagaal ka dhacay waqooyi bari Kenya

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhintay weerar ka dhacay tuulo ku taala waqooyi bari Kenya.

Wariyaha BBC, ayaa sheegaya in niman hubaysan ay galeen tuulada Gunana, ee Wajeer subaxnimadii.

Wuxuu sheegay in dagaalka uu ka bilaabmay muran u dhaxeeyay laba qabiil.

Dagaallo ayaa mar walba dhexmara dadka deegaanka iyadoo dhimashada ay sii kordhayso.