10 qof oo lagu dilay Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Weerar horay uga dhacay waqooyiga Nigeria

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar ay rag hubeysan ku qaadeen tuulo ku taal woqooyi bari Nigeria, taasoo 14 KM u jirto magaalada Chibok, oo bishii April laga afduubtay in kabadan 200 oo gabdho iskuuley ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in raggaasi hubeysan ay weerareen tuuladani oo lagu magacaabo Koronginim.

Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee dalka Nigeria, ayaa BBC-da u sheegay in xubnaha kooxda Boko Xaraam ay ku soo laabteen tuuladaasi Koronginim subaxnimadii Sabtida ahayd, halkaasi oo ay ku qaadeen weerar aar-goosi ah maadaama kal hore ay iska caabin kala kulmeen.

Waxa uu sheegay in ay gubeen guryo isla markaana qaar ka tiran dadka tuuladaasi lagu khasbay in ay duurka u cararaan.

Waxaa kale oo soo baxaya warar sheegaya dhacdo kale oo ah afduub dhowr qof loogu gaystay tuulada Yaza, Khamiistii la soo dhaafay.

Waxaana dadka deegaanka ee tuuladaasi ay sheegeen in kooxda Boko Xaraam ay dadka da'da ah iyo kuwo dhalinyarada ah ay kala soocaysay, ka hor inta aanay halkaasi ka qafaalanin gabdho iyo wiilal.

Ilaa iyo hadda ma cadda in gabdhaasi loo haysto madax furasho sida kuwii iskuuleyda ahaa ee laga qafaashay Chibok.

Waxaana suurtagal ah in ragga halkaasi laga qafaashay ay ku shaqaysan doonto kooxdani oo rabshado ka geysatay gobolka inkastoo uu jiro dadaal ay dowladda ku dooneyso in ay dalka uga saarto.