Kerry oo wadahadal la yeelanaya Sisi

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry, ayaa booqasho ku jooga Qaahira si uu wadahadal ula yeesho Madaxweynaha cusub ee Masar, Cabdul Fitax al Sisi. John Kery ayaa ah masuulka sare ee booqda Masar tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub bishii hore kadib markii la riday Maxamed Morsi.

Masuuliyiinta Maraykanaka, ayaa sheegay in Mr Kerry uu ku dhiirigalin doono Madaxweyne Sisi siyaasad loo dhan yahay iyo inuu ka qaybgaliyo xisbiga Akhwaan Muslimiinta.

Wuxuu kaloo kala hadli doonaa go'aanka lagu xukumay dil dad aad u badan oo ka tirsan Akhwaan Muslimiin, iyo sii daynta wariyayaasha xiran.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in Maraykanka uu doonayo inuu la shaqeeyo hogaamiyaha cusub ee Masar si isbadal u dhaco.