Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka cusub ee Koonfur Galbeed

Image copyright
Image caption Xafladda lagu saxiixay heeshiiska Koonfur Galbeed.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu saxiixay heshiis u gogol xaaraya in maamul ku meel gaar ah oo loo sameeyo gobolada Sh/hoose, Bay iyo Bakool, si mustaqbalka ay u noqdaan dawlad goboleed ka mid ah federaalka.

Waxaa lagu soo afjaray sida laga dhawaajiyay khilaafkii ka taagnaa magaalada Baydhabo. Waxaa ku muransanaa laba dhinac, oo midi sheegayay inuu maamul u sameeyay lix gobol oo koonfurta ku yaala, halka mid kale uu sheegay inuu saddex gobol maamul u sameeyay.

Ergeyga gaarka ah dowladda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty, ayaa soo dhoweyyey 23-da Saxiixa heshiiska.

Wariyahayaga magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aaden, oo la socday saxiixa heshiiska ayaa warbixintan ku eegaya qodobada lagu heshiiyay iyo waxyaabihii laga yiri xafladdii lagu saxiixay.