Sudan: Meriam Ibrahim oo la sii daayay

Image caption Meriam Ibrahim iyo ninkeeda

Maxkamad ku taalla Sudan ayaa amartay in la sii daayo gabar lagu xukumay dil bishii hore kadib markii ay qaadatay diinta Kiristaanka.

Dacwada Meriam Ibrahim, ayaa dad badan caalamka ay ka hadleen. Waxaa lagu xukumay boqol karbaash guurka nin Kiristaan ah darteed.

Waxay ku dhashay gabar xabsiga intay xirneed.

Qareenkeeda ayaa u sheegay BBC, in la soo daayay gabadha oo uu u socdo inuu soo arko.