Dad hor leh oo lagu dilay xeebta Kenya

Mpeketoni Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ugu yaraan 60 ruux ayaa lagu dilay weerar isla gobtaas ka dhacay toddobaad ka hor

Ugu yaraan 5 ruux ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday tuulada Witu ee gobolka xeebta Kenya.

Mas'uuliyinta dowladda ayaa sheegay in shanta qof lagu dilay meel aan ka fogayn degaanka Mpeketoni ee dad kor u dhaafaya 60 ruux.

Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay inay baaritaan ku samaynayaan dadka ka dambeeyay dilka cusub.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka Mpeketoni, balse madaxweynaha Kenya ayaa ku eedeeyay siyaasiyiin maxali ah inay ka dambeeyeen weerarkaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan