Dacwadda dad dhimasho doon ah oo la diiday

Nicklinson iyo Lamb Lahaanshaha sawirka getty images
Image caption Labdan nin ayaa muddo u ololaynayay in loo oggolaado inay noolashooda soo afjaraan

Maxkamda ugu sarreeysa Britain ayaa manta go’aan ka gaartey dacwadda reerka marxumka Tony Nicklinson oo ahaa nin si buuxda uu shalal ugu dhacay iyo Mr. Lamb oo ku curyaamay shil.

Waxay doonayeen in dadka xanuunsan ee qabo cudurrada aan laga soo kabsan karin loo oggolaado in ay dhimasho doortaan iyagoo dhakhaatiirtu u fudeynayaan.

Maxkamadaan ayaa diidey codsigooda sababtoo ah waxaa jirey dad kale oo ka soo horjeeda dalabkooda.

Mr. Lamb oo 56 ayaa aad uga xumaaday go’aankan, wuxuu na sheegay in uu aad u xanuunsanayo oo uuna jeclaan lahaa in loo ogolaado dhimasho, sabaabtoo ah wuxuu ka curyaamay inta ka hooseysa dhuunta.

Jane Campbell ayaa ah mid ka mid ah dadka u ololeeyaha xuquuqda naafada, waxay aasaastay shabakad loogu magac daray "weli ma dhiman", waxayna ka soo horjeeddaa in dadka xanuunsan loo oggolaada inay is dilaan.

Waxay sheegeysa in aanay qasab ahayn in dadka aadka u xanuunsan la dilo.

Badanaa dadka majeclo in ay waalidiintooda dhintaan balse waxaa u geyneyo in ay waxaas sameeyaan ayaa ah markay arkaan waalidiintooda oo sakaraad ah, taasi oo ay u dhaanto inay dhintaan.

Tony Nicklinson ayaa uu si buuxda shalal ugu dhacay kaddib markii u shil galey. Wuxuuna ka mid ahaa kuwii rabay in loo oggolaado dhimashada fudud.

Kaddib markii uu ku guul dareystey kiiskaas maxkamdda, waxuu joojiyay cuntada wuxaa uuna u dhintey si caadi ah asgoo 58 jir ah.