Carwo caafimaad oo ka socota Hargeisa

Hargeisa, Somaliland Lahaanshaha sawirka Ahmed Egeh
Image caption Hargeisa waxaa lagu carwadii caafimaad ee ugu horreysay

Magaalada Hargeysa waxaa ka socda carwadii ugu horreysay ee caafimaadka ee lagu qabto Somaliland.

Waxaa ka soo qayb galay carwadan oo hawlahooda ku soo bandhiga ku dhowaad boqol hay'ad caafimaad oo isugu jira hay'adaha dawlada, laamaha Qaramada Midoobay oo caawiya caafimaadka iyo ururrada samofalka ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah .

Waxaa kaloo hoolka weyn ee carwadu ka socoto lagu soo bandhigay waxqabadka cisbitaalada Somaliland , dugsiyada caafimaadka, jaamicadaha soo saara dhakhaatiirta, sharikadaha dawooyinka keena, farmasiyada qaarkood iyo rugaha ummulisooyinka iyo sheybaadhada .

Agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeisa Dr Axmed Cumar askar wuxuu ii sheegay in ujeedada carwadani tahay sidii la isu weydaarsan lahaa khibradaha caafimaadka, cilmi-baadhista caafimaadka iyo wacyigelinta dadweynaha .

Waxaa furitaanka carwadan ka qeyb galay dhakhaatiir caan ah iyo masuuliyiinta dawladda iyadoo dadweynuhuna u daawasho tegi doonaan .

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan