Dagaal ka dhacay magaalada Buuloburde

Barakaca ka dhashay duullaankii AMISOM ee March
Image caption Barakac ballaaran ayaa ka dhashay duullaankii March ee AMISOM

Wararka ka imaanaya magaalada Buuloburde ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay agagaarka saldhigga ciidammada dowladda.

Dadka degaanka waxay sheegayaan in labo nin oo soo xirtay lebiska ciidammada ay weerarka soo qaadeen.

Goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in dhor ruux, oo ay ku jiraan labadii nin ee weerarka soo qaadday, ay meesha ku dhinteen.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inuu qaaday weerarka, waxaana uu sheegay inuu ku dilay lix askari oo ka tirsan AMISOM.

Balse afhayeen u hadlay AMISOM ayaa sheegay in labo askeri oo kaliye ay ugu dhinteen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan