Ukraine oo kordhisay xabad joojinta

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mid ka mid ah mucaaradka taageersan Ruushka.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Petro Poroshenko ayaa ballaariyay isbuuc xabad joojin ah oo uu lagalay kooxaha gooni ugoosadka ah ee bariga dalka Ukraine, wuxuuna ku daray Seddax maalin oo dheeraad ah.

Kordhinta waqtiga xabad joojinta ayaa timi kadib markii Mr Poroshenko uu heshiis taariikhi ah uu la saxiixday Midowga Yurub.

Madaxweyne Poroshenko ayaa rajeynayo in kordhinta xilliga xabad joojinta ay ogolaan karto hormar laga gaaro qorshaha nabadda ee bariga dalka Ukraine.

Bariga dalkaasi waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka taageeran Ruushka, taas oo sare u qaaday cabsida ah inuu dagaal sokeeye ka dhoco dalka Ukraine.

Waxa uu doonayaa Mr Poroshenko in dowladda lagu wareejiyo maamulka isugudubka xuduudaha uu la wadaagaan Ruushka, in la sii daayo dadka la afduubtay iyo in xabad joojinta loo kormeero si caalami ah.

Dhanka kale, Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa Ruushka u qabtay illaa maalinta Isniinta ee soo socota inuu ku badalo siyaasadiisa dalka Ukraine, ama la saari doono cunna qabateyn dheeraad ah.

Madaxweyne Putin ayaa dhankiisa ku baaqay in xilliga xabad joojinta aad loo dheereeyo si fursad loogu helo inay wadahadlaan dowladda Ukraine iyo kooxaha gooni u goosadka ah.

Mr Poroshenko ayaa dhankiisa tilmaamay inuu rajeynaayo in wadaxaajood laqabto halkii cunna qabateyn dheeraad ah lasoo rogi lahaa.

Moscow ayaa sheegtay inay taageereyso wadaxaajood nabadeed oo waxtar leh, balse qorshaha Ukraine ayaa ah in mucaaradka ay hubka iska dhigaan.