Diyaarado Weeraray Tikrit

Lahaanshaha sawirka bb
Image caption Ciidamada Ciraaq

Millitariga Ciraaq ayaa sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay ku rakiban yihiin qoryo ay weerareen magaalada Tikrit ee ku taala waqooyiga Ciraaq.

Warar ayaa sheegaya in kumanaan ciidan ah ay kusii socdaan isla magaaladaasi Tikriit.

Halkaas oo ay maamulayaan mudo labo todobaad ka badan malayshiyaad ay hogaaminayaan ururka isku magacaabay dawladda islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya ee Daacish, ama ISIS, Waxaa kale oo kooxdaasi ay maamushaa dhul balaadhan oo ku yaala waqooyiga Ciraaq.

Labadii maalmood ee u dambaysay weeraro ayaa ka dhacayay jamaacad ku taala duleedka magaalada halkaas oo ciidamo dawlada ka socda ay geeyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Dhinaca kale wadaadka ugu saamaynta badan Shiicada ayaa ku baaqay in Rai'sal wasaare la magaacabo arbacada.

Isku day gaas oo la doonayo in lagu yareeyo qalalaasaha siyaasadeed ee Ciraaq ku jira, wadaadka wayn ee Shiiicada ah Ayatollah Ali Sistani waxaa uu sheegay in jagadaasi muhiim ka ah laga heshiiyo kahor inta uusan baarlamaanku kulmin maalinta Arbacada ah.