Bangladesh: Sharci lagu mamnuucay kiimikada formalin

Image caption Ganacsatada cuntada ee Bangladesh ayaa aad u isticmaala kiimikada formalin

Dowladda Bangladesh ayaa ansixisay sharci mamnuucaya isticmaalka kiimikada formalin, oo laga sameeyo formaldahyde oo loo isticmaalo cuntada.

Sharciga cusub ayaa qofkii lagu qabto isticmaalida kiimikada isagoon haysan ogolaasho la xiri doonaa xabsi daa'in.

Formalin ayaa waxaa isticmaala beeralayda iyo ganacsatada reer Bangladesh si ay waqti badan u hayaan qudaarta, caanaha, iyo kalluunka.

Dowladda ayaa sheegtay in kiimikada laga qaado kansar, ayna halis u tahay caafimaadka dadwaynaha.