30 ku dhimatay doon tahriib

Lahaanshaha sawirka d
Image caption Dooni ay saaran yihiin tahriibayaal

Kooxaha wax badbaadiya ayaa helay meydadka 30 qof oo saaran dooni kalluumeysi, taasoo ay saarnaayeen muhaajiriin ay tiradoodu gaareyso 600 oo qof.

Doonida ayaa mareysay badda u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo jasiiradda Sicily.

Ciidammada badda ee Talyaaniga ayaa sheegay in ay meydadka heleen kaddib markii ay doonida fuuleen si ay u badbaadiyaan dad xaallad adag ku sugnaa oo ay ka mid ahaayeen laba haween oo uur leh.

Dadka dhintay ayaa u muuqday kuwo uu naqaska ku xirmay, waxaana ay ku jireen meel aad ciriiri u ah, iyada oo ilaa hadda la awooday oo keliyah in laba meyd halkaa laga soo saaro.