Xafiiska canshuuraha Muqdisho oo la qarxiyay

War deg deg ah Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay qarax lala beegsaday xafiiska canshuuraha ee Magaalada Muqdisho, toddoba kale ayaa ku dhaawacantay.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay Suuqa Kaaraan ee woqooyiga Muqdisho.

Labada ruux ee ku dhimatay ayaa la sheegay inay yihiin dad rayid ah.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu jiro rayid iyo caadammada dowladda federaalka ee Soomaaliya.