Israel oo Aastay Wiilashii la Dilay

Golaha Amniga ee Israil ayaa qabtay kulan markii labaad kadib markii wiilal dhowr iyo toban jir ah oo Israiiliyiin ah maydadkooda laga helay Daanta galbeed maalintii Isniinta.

Ka hor inta uusan kulanku dhicin ayaa raisul wasaaraha wadankaasi Israil, Benjamin Netanyahu, uu mar kale wacad ku maray in la soo qaban doono dadkii wiilashaa dilay isla markaana maleeshiyada Falastiiniyiinta ee Xamaas oo dilalkaa uu u heysto la duqeyn doono.

Tacsida wiilashaa oo ka hor inta aan la dilin la af duubtay ayaa waxaa lagu qabtay Israil. Wiilashaa oo saddex ah ayaa waxaa la waayay muddo saddex asbuuc ah ka hor.

Tacsida loo dhigay wiilashaa ayaa ahayd mid gayru caadi ah ayadoo kumanaan kun oo boroor diiqeyaal ah ay isugu soo baxeen meesha lagu dhigay oo ah qabuuro kuyaal magaalada Modein ee dalkaasi Israil. Waxaa la isweydiinayaa iminka sida ay Israil uga jawaabi doonto qasaarahaa shacabkeeda soo gaaray.