Diyaarad Muqdisho u socotay oo burburtay

Diyaarad shill
Image caption Diyaarada ayaa dhacday xilli dambe habeenkii

Diyaarad xamuul oo Qaad u sidday Muqdisho ayaa burburtay daqiiqado yar kaddib markii ay ka kacday gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

Boliiska Kenya ayaa sheegay in afar ruux ay ku geeroyoodeen shilka diyaaraddaas.

Diyaaradda ayaa ku dhacday goob dukaamo ku yeellaan ee agagaarka gegida diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Taliyaha Boliiska Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay inay goobta uu shilka ka dhacay ka raadinayaan inay jiraan dad kale oo ku waxyeelloobay shilkaas.