Wasiiro ka Shiray Xaaladda Ukraine

Lahaanshaha sawirka RIA Novosti

Wasiirada arrimaha dibeda ee Ruushka, Ukraine, Jarmalka iyo Fransiiska ayaa ku kulmay magaalada Berlin waxayna sheegeen in ay ku heshiyeen tallaabooyin lagu soo afjari karo cadaawada ka taagan bariga dalka Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibeda ee Jarmalka Frank-Walker Steinmeier ayaa sheegay in kullanka ay ka soo baxeen go’aamo cad oo lagu xaqiijinayo in ay dhaqan-gasho xabad joojin.

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen in kooxda xiriirka ee arrinta Ukraine ay wadahadaladoodii dib u bilawdaan todobaadkan.

Dhinaca kale waxa la sii daayey laba weriye oo u shaqeynayey Telefishenka Ukraine kuwaas oo ay bariga Ukraine isniiniti ku afduubteen kooxda gooni goosatka ee ka howgasha Luhansk