Mudane ka tirsan baarlamaanka oo la dilay

Muqdisho Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Muqdisho waxaa ka dhacay weerarro is daba joog ah toddobaadyadii la soo dhaafay

Dablay aan la garanayn ayaa Magaalada Muqdisho ku toogatay laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah labada mudane, Maxamad Maxamuud Xayd, ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay weerarkaas.

Qof kale oo la socday mudanaha ayaa lagu dhaawacay halkaas.

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyey falkan, oo ku tilmaamay "argagaxisanimo".

Ilaa haatan lama oga cidda ka dambeysay weerarkaas.

Balse ururka Al-Shabaab ayaa weerarro kan la mid ah horey ugu fuliayay magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa ka baxay Muqdisho saddex sano ka hor, balse waxay weli bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan