Isra'iil oo Ciidan Geysay Xuduuda Qaza

Lahaanshaha sawirka AP

Isra'iil ayaa bilawday in ay ciidankeeda geyso xuduuda ay la wadaagto Jiida Qaza iyadoo ay jirto xiisad u dhaxeysa Isra'iil iyo Falastiin.

Dilkii saddex da'yar ah oo israa'ili ahaa oo lagu dilay Daanta Galbeed ayaa waxa ka dib dhacay dilka wiil kale oo da'yar ah oo falastiini ah oo lagu dilay Bariga Qudus..

Israa'il ayaa sheegaysa in ciidankan ay geysay xuduuda ay jawaab u tahay weerarada uga imaanaya Qaza. Waxaa jiray duqeyn ay Israa'iil ka geysatay Qaza Khamiistii.

10 falastiiniyiin ah ayaa duqeyntaasi ku dhaawacantay.

Dhinaca kale waxa dib loo dhigay aas la doonayey in loo sameeyo wiil-ka reer falastiin ee lagu dilay Bariga Qaza si maydkiisa loo baaro

Dilka wiilkan 17 sano jirka ah ayaa waxa ka dhalatay xiisad iyada oo la sheegayo in uu ahaa argoosi.