Nin Alle diiday oo isbitaal ka baxay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Mubarak Bala, ninka Alle diiday.

Nin u dhashay dalka Nigeria oo sheegay in aanu aaminsanayn Alle ayaa ka baxay isbitaalka lagu daweeyo dadka qabo cudurrada dhimirka oo ay ehelkiisu geeyeen.

Hay'ad bani'adminimada u doodda dalka Nigeria ayaa sheegtay in ninka lagu xiray isbitaalka dadka qaba cudurrada dhimirka sababtuna ay ahayd in uusan rumaysnayn Alle.

Hay'adda ayaa sheegtay in Mubaarak Bala la sii daayay kaddib markii uu isbitaalka lagu hayay uu shaqadii joojiyay.

Waxaa la sheegay in si qasab ah loo daweeyay, laguna qasbay in uu isbitaalka joogo 18 maalmood.

Arrintani waxa ay ka dhacday magaalada Kanu oo ku taalla waqooyiga Nigeria.

Qoyska ninkaasi ayaa shegay in ay isbitaalka u geeyeen cabsi ay ka qabaan in waxyeelo loo geysto maadaama oo uu meel bulsho ah ka qiray in uusan aaminsanayn Allah.