Wiilkii Falastiiniga oo lagu aasay Qudus

  • 4 Luulyo 2014
Qudus
Image caption Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay aaska wiilka Falastiiniga

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qaybqaatay aaska wiil yar oo bariga Qudus lagu dilay horaantii toddobaadkan.

Dadka aaska ka qayb qaadanayay ayaa socod ku dhex maray waddooyinka magaalada Qudus iyagoo wada maydka Maxamad Abu Khudayr, iyo calanka maammulka Falastiiniyiinta.

Waxay ku dhawaaqayeen halkudhagyo looga soo horjeeda dowladda Isra'iil.

Qoyska wiilkaasi yar waxay aaminsan yihiin in dilka wiilkoodu yahay aargoosi ku saabsan saddexdii dhallinyaro ee reer Isra'iil ee la afduubay kaddibna la dilay bishii hore.

Dilkaasi waxaa uu kiciyay xiisaddii ugu waynayd in muddo ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan