Qarax ka dhacay Muqdisho

Image caption Muqdisho waxaa ku soo noqnoqday gawaari loo adeegsado qaraxyo

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay, tobban kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar is qarxin ah oo maanta ka dhacay ilinka xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Dad ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay, ayaa u sheegay BBC-da, nin watay gaari in uu si xawaare leh uu ku beegsaday goob ay ku sugnaayeen ilaalada xarunta baarlamaanka.

Ciidamada ayaa markii ay arkeen xowliga uu gaariga ku socdo waxa ay ku fureen rasaas, balse gaariga ayaanan istaagin ilaa uu ku qarxay meel u dhow ilinka ay ka galaan xildhibaanada baarlamaanka.

Waxaana xilligaa ka jiray goobta jahwareer sida uu u sheegay BBC-da xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarkaas waxaa lagu eedeeyay ururka al-Shabaab, oo sheegay in ay hawlgaladooda kor u qaadi doonaan inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaanka.

Kooxda Al-shabaab ayaa laga qabsaday magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii tan iyo xilligaasna waxa ay qaadeen qaraxya iyo shirqoollo ay wax ku dilayeen.

Horraantii isbuucan, xildhibaan caan ah oo la yiraahdo, Axmed Maxamuud xeyd, ayaa lagu toogtay maagalada Muqdisho,waxaana masuuliyada dilkaasi sheegtay kooxda Al-shabaab.