Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Djibouti oo furtay xuduuda Somaliland

Lahaanshaha sawirka
Image caption Djibouti waxay xarun u tahay saldhiga ciidamada Maraykanka.

Waxaa maanta dib u furmay isu-socodkii gaadiidka iyo ganacsiga ee Djibouti iyo somaliland, sida uu BBC u sheegay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde, oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayey ay maalmahan joogeen Djibouti oo ay wada hadalo la yeesheen madax ka tirsan dawladda Djibouti.

Wasiirka waran-cadde iyo wafdigiisu intii aanay maanta ka duulin Djibouti ayaa Abdinur Sh Maxamed, ku waraystay telefoonka oo uu waydiiyey natiijadii wadahadalka Djibouti.