Lix loo xiray dil wiil reer Falastiin ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rabshado ayaa ka dhashay dilka wiilka falastiiniyiinta.

Wararka ka imaanaya Israel ayaa sheegaya in masuuliyiinta Israel ay xireen dhowr qof, oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilka Moxamed Abu Khdeir oo Falastiini ah.

Wararka ayaa sheegaya in boliiska ay ka shakisan yihiin dilka.

Waxaa ka dhashay dilka rabshado ay falastiiniyiinta sheegeen, inay ahayd dilka aargudasho saddexdii wiil ee Israeliyiinta ee la dilay bishii hore.

Israel ayaa ku eedeysay kooxda falastiiniyiinta ee Xaamaas inay ka danbaysay dilka saddexda wiil ee u dhashay Israel.

Xamas ayaa beenisay inay weerarka ka danbaysay.