Dilal dhawr ah oo ka dhacay muqdisho

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qarax ka dhacay baarlamaanka hortiisa shalay.

Guddoomiye ku xigeenkii ururka dhalinyarada degmada Heliwaa Maxamed Toxob Calasow, ayaa gudaha degmada Heliwaa waxaa ku toogtay kooxo hubeysan iyadoo kooxda dilka geystay ay baxsadeen.

Guddoomiye waaxeed ahna guddoomiyahii laanta labaad ee degmada Hodan,Colow Xasan Cusmaan, ayaa sidoo kale niman bistoolad ku hubeysan ay ku dileen meel u dhaw garoonkii hore ee kubadda koleyga ee Horseed.

Sidoo kale waxaa qarax ka dhacay degmada Xamarweyne, kaddib markii gaari uu lahaa nin ka tirsan dekadda saakay waxyaabaha qarxa loogu xiray, nasiib wanaag ninkaasi wuu badbaaday cidina waxba kuma noqon.

Gobolka Gedo

Gobalka Gado, qarax ka dhacay degmada Baladxaawo dhankeeda koonfureed meel suuq ah oo dad badan ay joogeen, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo isugu jira askar iyo rayid.

Shan qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa.