Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muranka garsoorka Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Afhayeenka iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee dowladda Federaalka Somaaliya Cabdulqaadir Maxamed Muuse, ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sharci daro ku tilmaamay Hindise sharciyeedka dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka oo dhawaan ay ansixyeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka, ayaa ku tilmaamay Hindise sharciyeedka ay mariyeen baarlamaanka mid ka hor imanaya dastuurka hadda lagu dhaqmo. Sidaa awgeed Wuxuu go’aansaday in uu ka horimaado maadaama sida uu yiri uu yahay Xeer Ilaaliyihii waddanka.

Maxamed Ibraahim Macalimuu wariyaheena Muqdisho, ayuu u waramay xeer ilaaliyaha waxana uu marka hore weydiiyay shirka jaraa'id waxa uu ku saabsanaa.