Weerar kale oo ka dhacay xeebta kenya

Lamu
Image caption Dhow weerar ayaa lagu qaaday degaanka Lamu toddobaadyadii la soo dhaafay

Dablay hubaysan oo tiradoodu gaaraysa 300 ayaa weerar kale ku qaadday degaanka Lamu ee gobolka xeebta Kenya.

Caaqilka degaankaas Karisa Charo ayaa BBC u sheegay in dablayda ay guryo iyo iskuullo dab qabadsiiyeen.

Dablayda ayaa sidoo kale la sheegayaa inay la tageen hub ay la haayeen rag boliiska la shaqeeyo.

Goobjooge ayaa sheegay in dablaydu ku hadlayeen afka Soomaaliga.

Waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah Kenya ilaa iyo inta ay ciidammadeeda kala soo baxayso Soomaaliya.

Ilaa haatan lama sheegin dad ku dhintay weerarkan u dambeeyay.

Ugu yaraan 100 ruux ayaa lagu dilay weerarro ka dhacay degaanka Lamu dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan