Sidee looga adkaan karaa burcad badeed?

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Burcad badeeda Soomaaliya

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa muujinaysa in burcad badeeda xeebaha Soomaalilya si aad ah loo dhimi karo haddii dhaqaale fiican la siiyo hoggaamiye dhaqameedka Soomaalida.

Daraasadan oo ay wadajir u sameeyeen Jaamacadda Oxford iyo King’s College ee magaalada London, laguna daabacay British Journal of Criminology, ayaa ku doodaysa in beelaha deegaanka ay difaacaan burcad badeeda si ay kharashaad uga helaan.

Beesha caalamka ayaa haatan ku tiirsan howlgallo looga hortago burcad badeedka oo ay badaha Soomaaliya ka fuliyaan ciidamo caalami ah oo uu ku baxo kharash badan.

Sikastaba, daraasadan cusub ayaa soo jeedinaysa xal mustaqbalka fog ah, waxaana ay ku talinaysaa in la dhiso waddooyin iyo dekado cusub si beelaha Soomaaliyeed ee degan xeebaha ay u helaan fursado ganacsi oo xalaal ah.

Dadka sameeyay daraasadda ayaa calaamadeeyay deegaanada ay burcad badeeda ka soo qaadaan weerrarada ay ku afduubtaan maraakiibta, iyagoo adeegsaday xog ay ka heleen Bangiga Adduunka iyo wareysiyo ay la yeesheen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Waxay ogaadeen in burcad badeeda ay weerraradooda ka soo abaabulaan deegaanada ganacsi ahaan go’doonsan sida deegaanada lagu muransan yahay ee xeebaha Puntland iyo Bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale cilmi baarayaasha ayaa ogaaday in weerrarada burcad badeeda ay kor u kacaan xilliyada ay soo dhaw dahay doorashooyinka maxaliga ah, taasoo ay sheegeen cilmi baarayaasha in ay muujinayso in hoggaamiyayaasha dhaqanka ee Soomaalida ay u dhaqmaan sida siyaasiyiinta Talyaaniga iyo Taiwan, oo burcadka adeegsada markii ay u baahan yihiin dhaqaale xilliyada ay leeyihiin hammiga siyaasadeed.

Mid ka mid ah dadka qoray daraasadda oo lagu magacaabo Federico Varese, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford, ayaa sheegay in dhaqaalaha ay hoggaamiyayaasha dhaqanka ay ka helaan burcad badeeda aanu aheyn mid joogta ah.

Iyadoo dadka deegaanka ay taageeraan burcad badeeda marka aanay jirin meel kale oo ay ka helaan dhaqaale, ayaa Dr Anja Shortland oo ka tirsan King's College London, daraasaddana wax ka qortay ayaa sheegtay in xalka lama dhaafaanka ah laga heli karo gudaha Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan