Weerarrada Isra'iil ee Qaza oo dilay 75

Qaza Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Isra'iil ayaa sare u qaadday weerarrada dhanka cirka ee Qaza

Ugu yaraan 75 qof ayaa lagu dilay duqaymiha ay Isra'iil ku qaadday Qaza tan iyo markii ay si toos ah u billowdeen weerarradan ugu dambeeyay ee dhanka cirka ee Isra'iil.

Wasiirka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in duqeymaha Isra'iil lala beegsaday dadka rayidka ee marinka Qaza.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah sagaal ruux oo ku sugnaa goob lagu daawanayay kubada cagta ee magaalada Khan Yunis.

Dagaalyahaniinta jooga Qaza ayaa sii wado in gantaallo dheereeya ay ku gamaan Isra'iil, balse ma jiraan wax ku dhaawacmay amaba ku dhintay gantaalladaas.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ka digay in xaaladda Qaza ay sii xumaan doonto.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan