Qarax ka dhacay Aljeeriya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Aljeeriya

Toddobo qof oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Aljeriya ayaa ku dhintay bamb la dhigay jidka.

Wasiirka difaaca ee Aljeeriya, ayaa sheegay in saddex askari iyo afar maleeshiyo taageersan dowladda inay ku dhinteen qaraxa oo ka dhacay waqooyi galbeed waddanka.

Waa qasaarihii ugu waynaa ee soo gaara ciidamada ammaanka tan iyo bishii April markii afar iyo toban askari ay mintidiin afduubeen.

Alqacidada waqooyiga Afrika ayaa saldhig ka dhigatay lama degaanka koonfurta Aljeeriya.