Weerarka cirka ee Qaza oo socda

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weerarka Qaza ee cirka ayaa waxaa ku dhintay rayad badan.

Ciidamada badda ee Israel ayaa soo galay Qaza iyadoo loo malaynayo inay tahay markii ugu horaysay ciidamo ay soo galaan Qaza tan iyo marki uu bilaabmay dagaalka hadda socda.

Israel ayaa sheegatay in afar askari ay dhaawacmeen markay weerareen meel laga soo rido gantaalaha.

Xamas ayaa sheegatay in ciidamo aysan iman dhulka.

Weerarka cirka ee Israel ayaa sii socda. Hal weerar ayaa lagu dilay toddobo iyo toban qof oo lagu qaaday guriga madaxa boliiska ee jeneral Tayser Al-batsh.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac culus gaaray madaxa boliiska.

Xamaas ayaa ku soo riday gantaalo kale magaalooyinka Israel oo ay ku jirto Tel Aviv.

In kabadan boqol iyo lixdan falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka toddobaadkan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan