Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Sarkaal nabad sugid oo la dilay

Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Weerarkii ugu danbeeyay ayaa lagu qaaday madax

Qiyaastii ilaa 40 qof oo askar iyo shicib isugu jira ayaa bishan Ramadanka oo kali ah siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho.

Waxaana u dambeysay maanta oo dhowr qof oo ay ku jiraan saraakiil ciidamada dawladda ka tirsan la dilay.

Wariyaha BBC Muqdisho Maxamed ibraahim I mucalimo oo wararkaas la socda ayaan marka hore la waydiiyey sidii uu u dhacay dilkii sarkaal nabadsugidda ka tirsan oo maanta barqadii la dilay .