Diyaarad milatari oo ku dhacday Ukrain

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Ukrain ayaa dagaal kula jira mucaaradka.

Saraakiil Ukrain ah ayaa sheegay inay diyaarad Milatari ay ku la'yihin bariga dalkaasi.

Kooxaha taageersan Ruuska ee jooga gobalka Luhanska, halkaas oo dagaal culus ka socday ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad taas oo la sheegay in ilaa 20 ruux ay saarnaayeen.

Xukuumadda Ukrain ayaa weli weerar ku haysa Luhanska, waxayna sheegtay in dhowr bartilmaameed ay duqeysay.

Waxayna kaloo Ukrain sheegtay in ay buuxaan gawaari milatari xadka ay la leedahay Ruushka, halkaas oo madaxweynaha Ukrain uu sheegay in ciidamada Ruushka ka barbar dagaalamayaan kooxaha gooni u goosadka ah.

Ruushka ayaa beeniyay inuu dagaalka ku jiro.