Asad oo mar kale madaxweyne loo dhaariyay

Assad
Image caption Mucaaradka ayaa doorashada Asad ku tilmaamay riwaayad.

Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Asad, ayaa mark kale loo dhaariyay xilka 7 sano oo soo socota.

Arrintan ayaa ka dambaysay doorasho la qabtay xilli uu dalka bartamaha kaga jiro dagaal sokeeye.

Khudbad uu jeediyay ayuu Asad ku sheegay in wadammada reer Galbeedka iyo Carabta ay ka shalaayi doonaan taageerada ay siiyaan waxa uu ugu yeeray argagixisada ka soo horjeedo.

Mucaraadka ayaa qaadacay codbixinta bishii hore, waxayna ku tilmaameen riwaayad.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan