Garoonka Tripoli oo la weeraray

Image caption Waxaa burbur uu soo gaaray qaybo ka mid ah garoonka Tripoli

Dowladda Libya ayaa sheegtay inay qorsheyneyso sidii ay ku weydiisan lahayd kaalmo caalami ah si loo dhammeeyo dagaalka u dhaxeeya kooxo maliishiyo ah oo iska soo horjeeda, taasi oo qasabtay in la xiro garoonka caalaiga ee Tripoli.

Dhismaha dayaaradaha laga hago ee garoonka iyo dhismooyin kale ayaa la burburiyay, dayaarado dhulka joogayna burbur ayaa soo gaaray.

Dowladda Libya waxay sheegtay in dib loo hagaajiyo ayq aadan doonto muddo bilooyin ah, isla arkaana ay ku baxayso boqolaal milyan oo dollar.

Libya waxaa saameeyay dagaallo u dhaxeeya maliishiyooyin iska soo horjeeda tan iyo markii la riday Colonel Gaddafi sanadkii 2011.