Masar oo todobo nin xukun ku riday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ragga lagu eedeeyey dambiyadda xadgubka galmada oo maxkamada jooga

Todobada nin oo u dhashay waddanka Masar ayaa lagu xukumay xabsi daa'im, kaddib markii lagu helay tacadiyo galmo oo ay u gaysteen haween intii ay socdeen dabaaldagyada caleema saarka madaxweyne Cabdulfataax al-Sisi.

Laba ka mid ah eedaysanayaasha ayaa midkood 40 sano oo xarig ah lagu xukumay kan kalana waxaa lagu xukumay 20 sano.

Labadaasi nin waxaa lagu helay dambi ah in ay isku dayayeen kufsi, dhibaateyn galmo iyo waxyaabo kale.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in xukunku uu meesha ka saarayo walaacii laga qabay in mas'uuliyiinta Masar aanay sameynayn wax ku filan si loo joojiyo dhibaatada galmada ee baahday. Waxaa jirtay caro dadweynaha dhexdiisa ah kaddib markii muuqaal muujinaya haweeney aanan dhar xirneyn oo lagu jiidayo wadooyinka lasoo dhigay internetka.