Xamaas oo qaadacday xabad joojinta

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qiiq hareeyay hawada magaalada Gaza kaddib duqeyn ay ciidammada Israa'iil u gaysteen Marinka Gaza

Kooxda Falastiin ee Xamaas, ayaa si rasmi ah u diiday xabad joojin ay soo jeedisay Masar, si loogu soo afjaro duqeynta Israa'iil ay ka waddo Marinka Gaza muddada 9-ka maalmood ah.

Ku dhawaaqidda ayaa timid kaddib markii 4 carruur ah oo falastiiniyiin ah lagu dilay weerrarada cirka ee Israa'iil, xilli ay ku dheelayeen xeebta.

Israa'iil, ayaa xoojisay weerrarada ay ku hayso Marinka Gaza, xilli xubno badan oo ka tirsan dowladda ay ku baaqayaan in la qaado weerar dhulka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil, Avigdor Lieberman, ayaa sheegay in duqeyn oo kaliya aanay yareyn karin handadaada gantaalada Xamaas.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan