Dhexdhexaadinta Kooxaha dalka Mali

Image caption Ciidamada dowladda Mali

Wadahadal ayaa la filaayaa inuu maanta ka bilawdo Algeria, kaas oo u jeedada laga leeyahay ay tahay soo afjaridda dagaalka Waqooyiga Mali.

Wadahadaladan oo ay marti gelineyso dowladda Algeria waxay imaanayaan kaddib 18 bil oo dalkaasi ay ka howlgalayaan ciidamada Faransiis oo ku duulay kooxda hubeysan ee xiriirka la leh Al-qacidda ee dalkaasi ka dagaalameysay.

Weriyaha BBC-da uga soo warrama magaalada Bamako ayaa sheegay inaan weli la casuumin kooxda jihaad doonayaasha ah ee Mali.

Midna wakiil kuma lahan qabaa’ilka madowga ah ee deggan waqooyiga Mali. Wadaxaajoodka waxa uu u dhexeeyaa dowladda iyo kooxaha maamula dhulka saxaaraha ah ee kala ah Carabta iyo Tuwariq.

Kooxahan oo horey u taageersanaa Islaamiyiinta ayaa waxa ay doonayaan inay ka go’aan Mali.

Dhammaan waxay ku loolamayaan ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga si ay u helaan hub, shidaal iyo wadada maandooriyayaasha oo si buuxda ay dowladda u maamusho.

Tilmaamaha wanaagsan ee wadahadalada ayaa ah in dhammaan dhinacyada ay isu siidaayeen maxaabiis.

Balse, maalintii Isniinta, mid ka mid ah askarta Faransiiska ee ku sugan Mali ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ahaa.