Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Kismaayo Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qaraxyada way ku yar yihiin magaalada Kismaayo

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ee kooonfurta Soomaaliya.

Lix ruux oo kale ayaa lagu dhaawacay qaraxaas.

Weerarka waxaa lala beegsaday guriga mas'uul sare oo ka tirsan dowladda hoose ee Kismaayo.

Ilaa haatan ma cadda cidda ka dambeysay weerarkaas, balse ururka Al-Shabaab ayaa dalka Soomaaliya ka wado weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Waxaa weerarradaas lagu beegsadaa ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan