Masar: Askar ilaalo oo la dilay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ilaalada xuduuda Masar

Wararka ka imaanaya Masar ayaa sheegaya in shan iyo toban ilaalada xuduuda lagu dilay weerar galbeedka waddanka.

Masuuliyiinta Ammaanka ayaa sheegay in niman hubaysan ay ku fureen xabado fariisimo la isku baaro oo shan boqol oo kilometer u jirta Qaahira.

Wakaalada wararka ee dowladda ayaa sheegtay in saddex ka mid nimanka la dilay. Weerarka ciidamada ammaanka ayaa kordhay tan iyo intii la riday Maxamed Morsi