Wadahadalada saldhiga Faransiiska ee Chad

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Faransiiska Francois Holland

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa soo gabagabeeyay boqashadiisa 3-da maalmood aheyd ee uu ku tagay galbeedka Africa, isagoo booqday caasimadda Chad ee Ndjamena halkaasi oo noqoneysa saldhiga cusub ee ciidamada Faransiiska.

Saddex kun oo ciidan ayaa lagu kala fidin doonaa Saxil iyo koonfurta gobalka saharaha.

Fidintan ciidamada ayaa qeyb ka ah dadaalka lagula dagaalmamayo mintidiinta dagaalada ka wada gobalkaas.

Ciidamadan ayaa kala wareegi doono howlgalka milatariga faransiiska ay ka wadeen Mali, kaas oo gacan ka geysanayey inay la dagaalamaan kooxaha mintidiinta iyo mucaaradka.

Faransiiska ayaa geeyay laba kun oo ciidamo ah Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.