Wadahadalada Iraan oo la kordhiyey

Lahaanshaha sawirka AFP

Danjirayaal ayaa sheegey in 4 bilood lagu daray waqtiga wadahadalka Iran iyo reer galbeedka.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtey in ay xayiraada ka qaadayso illaa $2.8 bilyan oo doolar oo Iraan kaga xaniban Maraykanka haddii Iran ay sii wado in ay shidaal u badasho macdanteeda Uranium-ka boqolkiiba 20%.

Wadahadalada ayaa waxaa looga gol leeyahay in Iran lagu qanciyo in ay hakiso ama xakameyso qorshaheeda ay ku samaysanayso hubka halista ah ee Niyuukliyarka, taas oo ay Iraan ku badalato in laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaraan.

Wadamada reer galbeedka ayaa Iran oga shakisan in ay samaysanayso hubkani halista ah, balse Iraan taasi waa ay diidantahay.Wakaaladda wararka Reuters waxa ay tabisey waqtiga kama dambeysta ah ee wadahadalada ay dhacayaan 24-ta bisha November, sanadkan.