Dad laga helay badda Talyaaniga

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka soo tahriibaya ayaa doomo kusoo gala Talyaaniga.

Wararka ka imaanaya Talyaaniga ayaa sheegaya, in kooxaha badbaadada ay heleen 19 meyd oo saaran doon siday boqolaal muhaajiriin ah oo ka yimid waqooyiga Africa.

Wakaaladda wararka ee Talyaaniga ayaa sheegtay in dadka geeriyooday ay u muuqdeen kuwa neefsaday qiiqa ka imaanayay matoorka doonta.

Labo ka mid ah dadkii doonta saarnaa ayaa lagu qaaday diyaarad Helicoptar ah lana dhigay isbitaal. Bishii hore 45 ruux ayaa la helay iyagoo ku jira xaaladan oo kale.